Advertisement
🌍 WAAYaha ADUUNKA 🌍Adduunku waa meel la maro, ee ma aha meel lagu waaro. Maalin waxaad noqon kartaa qof faraxsan, maalinna waxaad la kulmi kartaa murugo; maanta waxaad haysataa wax badan, berri waxaa laga yaabaa in wax kaa yaraadaan.
Ha ku faanin waxa aad haysato, hana ka quusan waxa kaa maqan. Waayaha adduunku mar walba isma lahaadaan; dhibka ka dambeeya farxad ayaa iman karta, habeenka ka dambeeyana subax baa dhalata.
Qofkii maanta kula jooga si wanaagsan ula dhaqan, waayo ma garanaysid waxa berri dhici doona. Qalbiga ha ku qaadan nacayb iyo ciil, maxaa yeelay noloshu waa gaaban tahay, waqtiguna dib uma soo laabto.
U samir waayaha, Alle talo saaro, dadka wanaag kula dhaqan, hana iloobin in adduunku yahay safar, qof walbana uu maalin maalmaha ka mid ah ka tegayo. 🤲❤️
Advertisement
Event venue
Malay Quarter, Western Cape, South Africa, Cape Town, Western Cape, South Africa
Tickets