Advertisement
Waxa jirtay maanso aan iska sameeyay 2022 mar aan gawlalaale joogay u jeedka aan u sameeyay ma aqaan magaceedana waxa la dhahaa (ISII CUDUR DAAR KALGACAL)Adoo Iska caadiyuu
Waqtigu kuu celinayaa
Xanuunkiyo cilladihii
Wadnuhu la ciqaabanaa
Daruuraha ciilka sida
Markay ku curtaan qalbiga
Naftaadu calaacal iyo
Cidhiidhi ma waajahdaa
Anoo cafis kaa dalbaday
Qirtoo cagahaaga imi
Ayaad I cidlaysayoo
Wax badan i colaadisee
Cidlaan ka dhex baaqayaa
Qofaan iba caawinayn
Ayaan u cataabayaa
Dartii u cidloonayaa
Isii cudur daar kalgacal
Cindiga laga keenayoo
Cadhadu waa ficil xumee
Si caadiya iila dhaqan
Hadda eeg.
Advertisement
Event venue
Pretoria Central, Pretoria, South Africa
Tickets