Advertisement
"#XIIN FINIIN" by #Maxamed #Cabdulle XasanXayow Faaraxow hadal rag waa loo xutibiyaaye
Nin xishoonayaan ahay, haddaan lay xistiyihayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga laygu xaasidaye
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soc diraye
Xaddigii adduunyada haddaad xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen xaalaad leedahaye
Inaan kuu xafgooyaan jeclaa, geel xawaad badane
Kumanyaal xereedaan lahaa, xawd u sii maraye
Markaad se xiin finiin damacday baan kaa xanuunsadaye
Maandhow xirgiga qaarki waa lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa xuuraddaan nahaye
Nin kalaan xafiilaba adaan xaydhka kaa rogaye
Xigto iyo qarabiyo hadduu xidid i weydiisto
Xayuun iyo qayuumey haddii la igu xoodaansho
Xubbigayga kuma heyn inaan xiisow bixiyaaye
Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
Xawaariyo, kabtiyo, raaxo iyo xawl iyo jeefag
Xag loo dayaba waa gammaan, xulashadiisiiye.
Xubna-toosanow neefku waa xaalad gooniya eh
Goortaan xusuus ula noqdaa, xiise ii qabanne
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere
Xarbadiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
Xayskaa da'ayaan lahaa, xalin ka dooyeeye
Meeshaa iyo xeebtaan lahaa, xiito ku eryoode
Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye
Waa xiin finiin neefka aad xadhigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftuu kala xeroodaaye.
Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xaydaantay
Xadhiggiisa qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene.
- Shared from Murti Soomaaliyeed App
Advertisement
Event venue
Idoro,, Addis Ababa, Ethiopia
Tickets