kheerad ka dalka

Sun, 01 Mar, 2026 at 12:00 am UTC+03:00

Mushaireb | Doha

MUYO YUSUF
Publisher/HostMUYO YUSUF
kheerad ka dalka
Advertisement
Kuma filnaa in wax badan laga fahmo hab ay dawladda Turkiga u baahisay heshiiskan, tana waxay mar kale lagama maarmaan ka dhigaysa in faahfaahin laga helo dhinaca Soomaaliya.
Waxaa jira hal qodob oo laga helayo faahfaahinta muddada heshiiska ;
Waa qodobka 4 aad farqadiisa 12, oo lagu muujiyay in heshiiska uu dhaqangal ahaanayo muddo shan sanno ah oo lagu kordhin karo saddex sanno mar kasta oo muddo kordhin loo baahdo, markaa waa loo qaateen faa’iidada 5 boqolkiiba ah ee Soomaaliya , maaddama markaa heshiiska laga bixi karo ama qaab dhismeedkiisa wax laga beddeli karo , laakin wali tan dammaad ma bixinayso oo Soomaaliya kuma filna muddo shan sanno ah inay isku diyaariso, maaddama waqtigaa aan lagu heli karin hay’adda batroolka inay awood u yeelato soo saarista shidaal iyo dhoofintiisa, sidoo kale waa wax dhaqaale u baahan qalabka, sideedana shidaalka wuxuu faa’iido leeyahay marka shirkadaha dalka ay soo saaraan. Inta badan dalalka dunidda oo Carabta ku jirta waa xaalad ay soo mareen faa’iidada yar ee 5% ah.
Khayraadka waxay udud-dhexaad u yihiin rajada ay Soomaalida ka qabaan in xaaladda burbur ee muddada dheer ku jiraan , marxalad ay uga bixi karaan , iyadoo dhibaatooyinka lala xiriirinayo xaaladda dhaqaale oo nidaamka dawladeed ka dhigay mid daciif ah.
Heshiiskan shidaalka iyo gaaska, wuxuu ku bilowday iyadoo la daboolay habka loo saxiixay iyo ansixinta Baarlamaanka , halkaa oo ah meesha uu ka soo bilowday walaaca. Qodobka doodda ay ka taagantahay ee faa’iidada 90% ee Turkiga heshiiskan ka helayo, si loo fahmo waa in la oggaado muddada uu heshiiska soconaya , maaddama ay Turkida iyagu maalgelinayaan heshiiska , waxay tani la xiriiri kartaa shirkadaha inay dib usoo ceshanayaan dhaqaalaha ka galay soo saarista shidaalka , mar kale in tani tahay khasaare ay wajahday Soomaaliya , waxa loo baahanyahay muddada ay ku soo ceshanayaan kharashka wax soosaarista in la caddeeyo, sidoo kale si daah furan loo helo kharashka ku baxaya shaqada!
Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay sooyaal mugdi ah oo la xiriira heshiisyada dhaqaalaha; waxay shirkadaha Turkiga maamullan labada il dhaqaale ee caasimadda Muqdisho ee kala ah dekedda iyo garoonka diyaaradaha , waxay shirkadaha Turkiga ka saareen kaydka heshiisyada Soomaaliya , heshiisyada ay kula wareegeen dekedda iyo garoonka oo si daah furan aysan cidna ula xisaabtami karin, oo dawladdu waxay qaadataa xisaabta ay go’aamiyaan shirkadaha Turkiga , waa wajiga aan naxariista lahayn ee Turkiga , mana jirto wax horumarin ah oo dekedda iyo garoonkaba lagu sameeyay , wax walba meeshoodii ayay joogaan, hadda in shidaalka iyo gaaska ku jira badda iyo bariga Soomaaliya ay soo saarayaan shirkadaha Turkiga , marka dib loo tixraaco habdhaqanka shirkadaha Turkiga waa inaysan jirin rajo laga qabo inuu Turkiga u horseedo Soomaaliya barwaaqada ay muddada dheer ku taamayaan!
Saraakiisha dawladda ee heshiiskan ku lug leh waa inay soo baxaan oo ay dadweynaha usoo bandhigaan sharraxaad ku filan oo lagu fahmi karo waxa ku dhex jira heshiiskan!
Iman jamac
Advertisement

Event Venue & Nearby Stays

Mushaireb, Doha, Qatar

Icon
Concerts, fests, parties, meetups - all the happenings, one place.

Ask AI if this event suits you:

More Events in Doha

thanks for your support guys
Sun, 01 Mar at 11:00 am thanks for your support guys

Old Al Ghanim 06

trendy
Sat, 07 Mar at 02:00 am trendy

Old Al Ghanim 06

NOISE OF SERENDIB POOL PARTY BRUNCH
Fri, 20 Mar at 08:30 am NOISE OF SERENDIB POOL PARTY BRUNCH

Treffen House

THE WEC 2026 SEASON STARTS NOW: THE PROLOGUE IN QATAR! \ud83c\uddf6\ud83c\udde6
Sun, 22 Mar at 10:00 am THE WEC 2026 SEASON STARTS NOW: THE PROLOGUE IN QATAR! 🇶🇦

Lusail International Circuit

\u200b\u2728 FINALISSIMA 2026 \u2728
Fri, 27 Mar at 02:00 am ​✨ FINALISSIMA 2026 ✨

Lusail Qatar

Doha is Happening!

Never miss your favorite happenings again!

Explore Doha Events